Diyaarad ay leedahay British Airways oo ku dhacday Heathrow Airport

   Diyaarad ay leedahay shirkadda British Airways ooka timid wadanka shiinaha magaalada Beijing(Bakiin) ayaa si lama filaan ah ugu dhacday garoonka weyn ee Heathrow International Airport, kadib markii ayku timid cillad farsamo inta aysan degin ka hor.

Diyaaradaas oo ahayd nooca Boeing 777 iyo flight No BA 038   waxaa waday pilot Mr peter Burkill oo dadiisu tahay 43 Jir  waxaana lasocday 136 Rakaab ah iyo 16 shaqaale ah,baayloodku wuxuu sheegay markii uu doonayay inuu soo dego in koontaroolkii ka dhumay kadibna uu isku dayay sida uu ku badbaadin karo naftiisa iyo rakaabka saaran diyaarada kadibna wuxuu la eegtay meel banaan wuxuuna isticmaalay qalabka loogu talo-galay diyaarada haddii ay dhacdo cillad farsamo oo ubaahan degis deg-deg ah(Belly-Flop).

18 qof ayaa la geeyay Hillingdon Hospital waxayna kala yihiin 12 Dumar ah iyo lix Rag ah ,7 qof ooka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay yihiin British iyo 3 shiino ah dadka kale ilaa iyo hadda lama sheegin dhalashadooda,gelinkii dambe ee shalay ayaa 17 qof caadi looga saaray isbitaalka waxaana ku haray isbitaalka hal qof oo dumar ah oola sheegay inay koomo ku jirto ama suux-santahay.markii baayloodku uu dareemay cilladda farsamo wuxuu la hadlay nin ka mid ah shaqaalaha Airporka,hadaba si aad u daawato riix halkaan

Nuurka GorGor News London

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: