Archive for Oktoobar, 2007

waxaan dado jacaylkaba daahyada kuqariyaba dareenkiyo sheekada dadka aanka dhowraba:waa Burcad Jaamac Xirsi oo loo yaqaan Nimco Yaasiin Caraale:EEG HOOS

U dhaaf Faallo

Ogeysiis:Fanaanadii looyiqiin Nimco Yaasiin oo noqotay Burcad Jaamac Xirsi kadib markii

buracad-jaamac-xirsi.jpg

  

( Burcad Jaamac Xirsi opo hore loo odhan jiray Nimco Yaasin Caraale )

Gorgor News2007-10-08 :-Fanaanadii Caanka ahayd ee Nicmo Yaasin Caraale ayaa Caawa kaga dhawaaqday Huteel Impriel ee Magaalada Hargeysa inuu Magaceeda Rasmigu maanta laga bilaabo uu yahay Burcad Jaamac Xirsi, isla markaana inaanay asal ahaan ka soo jeedin qoyskii hore loogu yaqaanay ee ay ku abtirsan jirtay [Gabooyaha],balse ay ahayd gabadh yaraanteedi ka luntay reer ka mid ah beesha dhaxda [Isaaqa] gaar ahaana Beesha Sacad Muuse,taas-na lagu xaqiijiyey baadhitaan dhinaca dhiiga DNA-ga lagu sameeyey.kadib muran dheer oo isku qabsi ahaa oo socday muddo 15sanadooa ah.sida waxay ku sheegtay Xaflad balaadhan oo Caawa lagu qabtay Huteel Imprial, waxay sidoo kale madashaa kaga dhawaaqday Urur Cusub oo ka shaqeyndoona Samata bixinta dhalaanka laxado,ama Ubadka luma kuwa qarsoodiga lagu korsado,ubadka la tahriibiyo ama ubadka lagu falo Arxandarada. Ururkaas Oo la yidhaahdo [BUCMAS],[Burcad Child Missing Abducted and Trafficking Projection Solutions]Munaasibadii ku Dhawaaqida Ururka Cusub ee BUCMAS waxa ka soo qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Axmed Jaanbiir Suldaan,Duqa Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, Taliyaha Ciidanka Booliska Col. Maxamed Saqadhi Dubad, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Now Marwo Kaltiuun, dadweyne aad u tira badan iyo marti sharaf kale.Fanaanadii Caanka ah ee Marwo Burcad Jaamac Xirsi ooh ore loo odhan jiray Nimco Yaasiin Caraale oo ka hadlaysay u jeedada ay Xafladan ku qabatay waxay tidhi “Muhiimada kowaad waxay tahay ee ku dhawaaqida Ururkan Samafaleed oo Wadaniya oo Cusub oo ka shaqeyndoona Samata bixinta dhalaankeena la xaday, la waayo, ama la tahriibiyo iyo kuwa lagula kaco arxandarada”Iyada oo hadalkeeda sii wadana waxay tidhi “ U jeedada labaad ee Ururkan waa inaan gacan ka siino hay’ada sharci dejinta gudashada xilkooda ku saabsan Caruurta la xado ama lunta ama sifo sharciga ka baxsan loo korsado”Maro Burcad waxay ku baaqday in Cadaalada la horkeeno dad ku xad gudba Xaquuqda Caruurta“Waa in Cadaalada ka horkeena dadka denbiyada ka gala Caruurta” ayey tidhi“Waxaan go’aansaday inta noloshayda ka hadhay aan mihnadayda fanka ugu Sameeyo Ururkan dhaqaale qeyb ka noqda socodsiinta hawlihiisa” ayey tidhi Burcad Jaamac XirsiWaa Maxay sababta igu kaliftay Ururkan Cusub? Waxay tidhi oo ay ku jawaabtay “Sababta aan u go’aansaday dhismaha Ururkan waxa weeyaan Markaan Aniga laf-tigeygu aan aqoonsaday inaan Waalidkay ka lumay aniga oo ay da’adeydu tahay 3-sanadood oo kaliya oo aan Waalidkay ka maqnaa muddo kor u dhaafaysaa 40sanadood. Sanadkii 1992-kii oo 15 sanadood laga joogo ayaa igu horeysay markii aan maqlay qoys ku doodaya inay aniga [Nimco Jaamac] I dhaleen, waan la yaabay oo waxaan u qaatay inay dadnimadayda meel kaga dhacayaan, waayo weligay maan arag qof weyn oo ciro leh oo la isku haysto”Iyada oo hadalkeeda si watana waxay tidhi “Qoyskaas oo ila soo xidhiidhayey mudadaa 15 sanadood ahayd, iyaga oo ii sheegaya inaan ahay gabadhoodii oo aan ka luntay, aniga oo si joogta ugala hortagayey marwalba diidmo, markii ay joogsanweyday waxa odaygeygii u soo jeediyey in arrintan lagu soo af-jaro baadhitaanka DNA-ga dhinaca dhiiga, aniga laftigeyga iyo qoyskeeda”

“Natiijadii badhitaanka u noqday inay noqloshayday is-bedel Cajiiba ku sameeyey oo uu qoyskani[Sacad Muuse] noqday kii runta ahaa ee aan ka soo jeeday dhalasho ahaan oo aan hooyaday dib ula midoobay,kadib 50 Sanadood, oo aan hooyaday la kulmay oo qarka u saran Geeri, Walow aan imika garanayo cida aan ka soo jeedo, hadana Maskacdayda mowjado Cajiiba ayaa ka quuxaya oo is-weydiinaya Su’aalo fara badan oo ah is-bedbedelada ku dhacay noloshayada ” ayey tidhi Burcad

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Axmed Jaanbiir Suldaan oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Waxan soo kordhay ee Caruurta Xadaya waa Shilin iyo dhaqaale la raadinayo”

Axmed Jaabiir Suldaan waxa uu soo dhaweeyey Ururkan Cusub ee u dhaqdhaqaaqidoona Caruurta laxdo ama lunta oo lagu magacaabo BUCMAS, isla markaana waxa uu ka waramay mushkilada ay leedahay Caruurta la xado xag Waalid iyo Mini’aadanimo loona baahan yahay in laga hortago.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay boolis ahaan dedaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen caruurta laxado,

“Waxa jira dad badan oo rag iyo dumar leh oo ku shaqeysta Sixirka, hadaad garanaysaan Boolis halkii ugu dhow ha loo dhiibo” ayuu yidhi Col Saqadhi Dubad.

“Warka goor danbe ayaa na loo keena oo Caruur ayaa la waayey ayaad maqlaysaa” ayuu yidhi Saqadhi

Taliyaha Ciidanku Col Saqadhi waxa uu ku dooday inay soo dhaweynayaan wixii Caruuur la xado ee la helo“Wax alla wixii la aqoonsadana waanu u mahadnaqaynaa” ayuu yidhi.

Duqa Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Runtii arrintan aynu Caawa isugunimi waa in la hirgeliyaa oo gacan la siiyo waxay ahayd gab inagaga banaana, markaa ku dhawaaqida hay’ada Cusub aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa”

Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu ugu baaqay hay’adaha Caalamiga inay gacan siiyaan Ururkan U dhaqdhaqaaqa samata-bixinta Caruurta laxdo..

Duqa Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir waxa Cadeeyey inay soo dhaweynayan Ururkan Cusub ee la yidhaahdo BUCMAS.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee NOW Marwo Kaltuun C/laahi Cilmi

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay aqoonyahanka weyn ee Caanka Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Waxa madasha goob joog ka ahaa Subeer Axmed Ismaaciil oo ahaa Wiil laga xaday Waalidiintiisii, isla markaana la loo geystay Jidh dil aad u badan oo ay ka sii muuqdeen nabaradii lagula kacay oo aabihii Axmed ka sheekeeyey dhibaatadii ka qabsatay inuu helo Ilmihiisa..

Xigasho:Hadhwanaag

Gorgornews 

U dhaaf Faallo

Gabar soomali-canadian ah oola waayay kadib markii ay caashaqday nin itoobiyaan ah

U dhaaf Faallo

Aqalka Koongareyska Maraykanka oo isku raacay inaan wax fiiso ah la siin Saraakiisha Tigreega lagana joojiyo kaalmo dhan hal milyan iyo bar-doolar kadib markii –

Dhagayso BBC

U dhaaf Faallo

Diyaarad maanta laga afduubay Boosaaso oo laga dejiyay Laasqoray,kadib muran dhexmaray kooxaha qaadka

Kooxo dabley ah oo ku hubeysan bastoolado ayaa maanta dayuurad fadhiday garoonka dayuuradaha ee magaalada Boosaaso halkaasi ka afduubtay iyagoo ka dibna ka dejiyey deegaanka Laas-qoray oo ku yaala xeebaha gobolka Sanaag.

Dayuuradan oo nooceedu ahaa kuwa Ruushku farsameeyo ayaa intii aan afduubka lagula kicin ka hor halkaasi Qaad ka dejisay maanta waxaana Saraakiisha amaanka ee garoonka dayuuradaha ay sheegeen in ay arintan ay baaritaan ku hayaan iyagoo aan wax faahfaahina ka bixin qaabka uu afdubkani u dhacay.

 

Lama oga ilaa hadda ujeedada rasmiga ah ee ka dambeeysa afaalka ay kooxdani u geysata diyaaradan, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrintaasi ay tahay mid salka ku heysa muran xoogan oo soo kala dhex galay ganacsatada qaadka keenta magaaladaasi xarunta ah gobolkaasi Bari, mana jiro illaa hadda mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadlay qafaalka diyaaradan.

 

U dhaaf Faallo

Halyeeygii Nebcaa Gumaysiga Tigreega

halyeeygii-nebcaa-gumaysiga-tigreega.jpgcalanka-soomaaliaflag-of-somalia.gifcalanka-soomaaliaflag-of-somalia.gifHees:Maanta Maanta.Magool-Allaha Unaxariisto///audio/Wadani/Maanta%20Maanta.MP3

U dhaaf Faallo

Halxiraale:Jawaabtii Halxiraalaha & kan Usbuuca

halxiraale.doc(Riix Halkaan)

U dhaaf Faallo

« Newer Posts · Older Posts »