Saldhigii Degmada Hawlwadaag oo dab laqabad-siiyay

saldhigga.jpg

dagaalo culus oo lagu qaaday ciidamada tigreega iyo kuwa dowlada ayaa looga qabsaday meelo badan oo ka tirsan degmooyinka xamar,waxaana looga dilay ciidamo aanka yarayn 11 askari muddo labo cisho gudahood ah.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo ciidamada tigreega joogitaanka ay joogaan wadanka ayaa ka kala dhacay meelo badan ooka tirsan degmooyinka xamar,waxaana meelahaas ka mid ah towfiiq,hodan hawlwadaag,iyo wardhiigley,halku dhagyada ay dad weynuhu ku dhawaaqayeen waxaa ka mid ah dooni meyno tigree hanooga baxeen wadankeena iyo hadallo kale oo amharic ah oo marka soomaali ahaan loo fasiro ah Tigree huuraale ka bax wadankeena dooni meyno aydhiskaaga  iyo injirtaada!!!!

Kooxaha wax iska caabinta ayaa la wareegay gacan ku haynta Stadium Mogadishu,Sheikh Cali Suufi,Hawlwadaag iyo Albaraka waxaana laga saaray dhamaan ciidamadii tigreega iyo kuwii dowlada ee halkaas horey u daganaa.

Sida aad masawirka ama footada kore aadku aragtaanba,meelaha ay shacabku bililiqaysteen waxaa ka mid ah saldhigii degmada hawlwadaag oo markii hore laga qaatay wixii raashin iyo hub yiil maxaabiistii ku xirneydna laga siidaayay ka dibna laga fuqsaday laama yeerigii ama tarniigii saarnaa ugu dambayntiina dab laqabad siiyay.

Dad weyne farabadan oo aan kula kulmay  isgoyska bakaaraha ayaa wajiyadooda laga dareemayay farxad weyn waxaana la moodayay sidii inay tahay maalin ciideed marka aad eegto shucuurta dadweynaha heerka ay gaarsiisan-tahay.

Cabdi Idaajaa: GORGOR News:  Muqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: