Ciidamo Itoobiyaan ah oo xoog kusoo galay Buuhoodle

Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubayasan gadiidka dagaalka  ayaa xoog ku soo galay Maanta Magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ciidanka Ethiopianka ah oo ka yimi dhanka Wardheer ayaa soo galidooda Buuhoodle ka danbeysay kadib markii maalinti shalay

ciidanka booliska Buuhoodle qabteen 4 gaadhi oo ah Landrover siday qalabka gaadiidka ee Iskaraabka loo yaqaan kuwaso la sheegay inay ka yimadeen dhanka Magaaladda Burco kuna  sii jeeden dhanka Magaaladda Muqdisho isla markaana ay wateen dhaliyaro ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.Qalabkii iyo Gadiidkii ay wateen kooxdan Dhalinyarada ah oo sheegay iyagu inay yihiin ganacsato ka shaqeeyay qalabka gadiidka ayaa waxa xabasiga Buuhoodle u taxaabay Ciidanka Booliska ee Deegnaka waxan halkaas lagu hayay ilaa maanta markii ay halkaas yimadeen Ciidamo Ethiopian ah saaka waabarigii kuwaso dalbaday in lagu soo wareejiyo nimankan iyo gadiidkoodaba , arintaas oo ay ka biyo diiden Odayaasha deeganku waxa ay odayaashu sheegen in iyagu ay wixi xukun ah ku fulinayaa kooxdan haday danbi galeen balse aanay u dhiibaynin Ethiopianka  arintan ayaa waxay sababtay in ciidan dheerada ah oo Ethiopian ah soo gadho Maagaaladda kuwaaso ka kala yimi Wardheer iyo Gaashamo isla markaana ay  xoog kula wareegen Saldhiga Magaalada oo ay ku jiraan Nimankani,

Sido kale wararka laga helaayo dhanka Puntland ayaa sheegay in Cadde Muuse iyo Ku xigeenkiisu Xasan Daahir Afqudhac ay aad u doonayeen in nimanka loo dhiibo Ethiopianka isla markaana ay xidhiidh badan la soo sameeyayn Buuhoodle sidi nimanka loogu gacan galin lahaa Ethiopianka balse laga diiday Magaaladda Buuhoodle ayaa hada xaaladeedu kacsantahay dadweynuhuna si weyn uga soo horjeedan hawlgalkan Ethiopianka . 

Dhanka Kale ma cada ilaa hada Talaabadda ay Somaliland ka qaadatay arintan ka taagan Buuhoodle oo ka tirsan Somaliland

Xigasho Togdheer

Cabdi Xirsi  GORGOR NEWS: GAROOWE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: