Dagaal Culus ooka biloowday Degmada Laascaanood

Dagaal Xoogan ayaa caawa fiidkii ka biloowday gobolka sool,degmada laascaano dagaalkaasoo gaystay dhimasho iyo dhaawac waxaana wararku sheegayaan siyaabo kala duwan oo ah dhinaca puntland oo sheegtay in dagaalkaasi dhexmaray ciidamada puntland iyo ciidamada soomaaliland,dhanka soomaaliland ayaa iyaduna sheegtay in dagaalkaasi dhexmaray maleeshiyo beeleedyo kasoo horjeeda maamulka puntland oo ay isku hayb yihiin xaabsade iyo ciidamada puntland.

Haddii aanu ku horeyno dhanka puntland,maamulka puntland ayaa ku eedeeyay soomaaliland inay weerar soo qaadeen iskuna dayeen inay soo dhaafaan xadka labada gobol,laakiin ciidamada puntland ay iska caabiyeen kana qabsadeen saldhigyo ay horay u daganaayeen ciidamada soomaaliland,halka soomaaliland ay sheegtay waxa la dagaalamaya puntland inay yihiin ciidamo u dhashay deegaanka ooka soo horjeeda maamulka puntland markii dagaalku dhacayna ay puntland madaafiic ku tuurtay dhanka soomaaliland si looga dhigo in dagaalku dhexmaray puntland iyo soomaaliland.

Xaaji xasan ismaaciil oo aan taleefan kula xariiray isagoo jooga laascaano ayaa ii xaqiijiyay in dagaalkaanu yahay mid culus oo aysan jirin wax layskula haray labada dhinacba,xaaji xasan ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo la keenay isbitaalka laascaano inkastoo aanla ogeyn tirada dhabta ah.

Xaaji xasan ismaaciil oo aan weydiiyay maxaa ka jira maleeshiyo beeleedyo la sheegay inay kasoo horjeedaan puntland? ayaa yiri way jirtaa arintaasi laakiin war uma hayo dagaalka caawa dhacay cidda uu dhexmaray.

Cabdi Xirsi: GorGor News:Garoowe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: