Ciidamada Dowlada oo xasuuqay dad masaakiin ah taasoo dhalisay in weerar culus lagu qaado saldhigyada ciidamada naf lacaariga ah.

ciidamada-dowlada-oo-xasuuqay-dad-masaakiin-ah.jpg(RIIX )

Ciidamada dowlada ayaa xasuuqii ugu xumaa ee muqdisho soomara ku xasuuqay ama ku laayay dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan iyagoo mar-marsiiyo ka dhigtay in dadkaasi ay ahaayeen kooxaha kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada itoobiya.

Ciidamada dowlada ayaa bilaabay inay dadka meel fog ka toogtaan kadib markii maxamed dheere uu balan qaaday inuu siinayo dhowr milyan oo shilin soomaali ah, askarigii  toogasho ku dila kooxaha wax iska caabinta.

Hadaba lacagtaas la sheegay waxay sababtay in shacabka loo laayo sida ugaartii, askari walba wuxuu bilaabay inuu xisaabtamo oo qorigiisa cabaysto.

Dhalinyarada la xasuuqay waxaa layskugu keenay hal meel kadibna waxaa la marsiiyay baas waxaana la yiri waxay ahaayeen arga-gixiso askartii arintaas samaysay waxay sugayaan abaalmarin iyo in lasiiyo dhowr milyan.

dhalinyaradaan waxay kasoo jeedaan qabiilada aan hubaysnayn ee ah dadka masaakiinta ah ee suuqyada ka xoogsada oo haba yaraatee wax ma shaakil ah aan shaqo ku lahayn, ilaah waa caadil waana la arki doonaa halka ayku dambayso.

Cabdi Idaajaa: GORGOR NEWS:  Muqdisho: Somalia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: