SARKAAL BOOLIS AH OO LAGU TOOGTAY BURCO SOOMAALILAND

Taliyihii  Rugta Booliska ee Tuulada Dhoqoshay Aadan Ibraahin Hure ayaa saaka Dil Toogasho ah lagu dilay Magaalada Burco.Taliyaha Qaybta Booliska ee G/Togdheer Maxamed Nuur ayaa Jamhuuriya u sheegay in Dilkan uu gaystay nin lagu magacaabo C/qani Axmed Ducaale kaasoo Rasaasta Qoriga AKM uu ku Toogtay Taliyahaas.

Waxa uu Maxamed Nuur intaas ku daray In Marxuunka Dhaawac ahaan lagu geeyay Cisbitaalka balse uu Mudo ka dib ku geeriyooday Goobtaas “ilaa hada lama hayo Ninkii falkan Gaystay haseyeeshee waxa lagu hawlan yahay Sidii loo sooqaban lahaa”ayuu yiri taliyaha Boolisku.

Taliyuhu waxa uu Cadeeyay in ay soo xireen Sadex ka mid ah Raga Odayaasha u ah Ninka Falkan gaystay.

Marxuunka ayaa lagu aasay Maanta Xabaalaha Magaalada Burco,Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer Maxamed Nuur ayaa Tacsi u diray Dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka tagay iyo Guud ahaanba Ciidamada Booliska,Isagoo Ilaahay uga beryay inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo, anaguna haddii aanu nahay Wargayska GorGor News waxaanu leenahay :AAMIIN:

CABDI XIRSI GORGOR NEWS: GAROOWE:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: