MASAAJIDKA SOOMAALIDA KHAALID BIN WALIID EE KU YAAL TORONTO OO XAALADIISU SII ADKAANEYSO:GORGOR NEWS

khalid_mosque.jpg   

Sida  lawada  ogyahay  in  mudo  ah  ayey  socotay  xalada  Qasan  ee  Masjidka  Khalid  Binwaliid  ilaa  iyo  waqtigaan  ma  jiraan  wax  xal  ah  oo  laga  gaaray  sidii  masjidka  loogu  soo  celin  lahaa  Gacanta  Jaaliyadii  dhisatay.

Bishii  June  18/2007  ayaa  la  hor  geyey  maxkamad  xalada  Qasan  ee  masjidka  waxaana  soo  xadiray  labada  dhinac  ee  isku  haya  maamulka  masjidka,  Garsoorihii  maxkamada  markii  uu  dhagaystay  labada  dhinac  ee  is  dacwaynaya,  wuxuu  yiri  waxaan  rabaa  in  aan   waqti  idin  siiyo  oo  aad  isku  daydaan  in  aad  soo  gaartiin  Xal  lagu  dhameeyo  Qaska  ka  jira  maamulka  masjidka,  waana  in  aad  raadisaan  dad  ka  tirsan  Jaaliyadiina  ama  Jaaliyada  kale  oo  idin  dhexdhexaadiyo,  si  loo  dhameeyo  Qilaafka  Taagan,  laakiin  Garsorihii  wuxuu  yiri  hadii  aad  wax  xal  ah  soo  gaari  waydaan  ilaa  Bisha  Sept-30/2007  aniga  ayaa  go’aan  ka  gaari  doono  ayuu  yiri  garsoorihii  loo  dhiibay  dacwada  masjidka.

Garsooraha  waxaa  kaluu  amray  in  aan  qofna  loo  diidi  Karin  masjidka  in  uu  ku  dukato  waqtiyada  salaada,  waxaa  kaluu  amray  labada  dhinac  ee  isku  haya  maamulka  masjidka  in  aysan  soo  saari  Karin  wax  amar  ah  oo  la  xiriira  maamulka  masjidka.

Hadaba  warar  xog  ogaal  ah  ayaa  waxay  leeyihiin  waxaa  jira  ilaa  10-Nin  oo  aad  looga  yaqaan  Jaaliyada  Toronto  in  ay  iskood  isku  Xilqaameen  si  ay  u  dhexdhexaadiyaan  labada  dhinac  ee  isku  hayso  mamulka  masjidka,  waxayna  la  kulmeen  Sheekh  Abukar  iyo  Sheekh  Bashiir  waxayna  ka  codsadeen  in  ay  siiyaan  kalsoonidooda  si  xal  loogu  helo  dhibatada  taagan  wayna  ka  ogolaadeen,  waxaa  kale  oo  ay  la  kulmeen  Sheekh  Adan  waxayna  ka  Codsaden  in  uu  siiyo  kalsoonidiisa  si  loo  dhexexaadiyo,  laakiin  sheikh  Adan  waa  ka  diiday  isagoo  aad  u  dhaliilay  kalsoonina  aan  ku  qabin  dad  badan  oo  ka  tirsan  gudiga  isasoo  xilqamay,  waxaana  halkaas  ku  xirmay  fursad  lagu  gaari  lahaa  in  lagu  furu  albaabkii  nabada.sida  ku  qoran warqad  aan  ka  helnay  ilo  muhiim  ah  waxay  leedahay,   Sheekh  aadan  ayaa  shirqabtay  wuxuuna  samaystay  dad  isugu  jira  mebaris  ama  uu  kalsooni  ka  haysto  in  ay  la  shaqeeyaan  si  maamulkiisa  u  sii  jiro  intii  max  kamada  ay  go’an  ka  gaari  doonto,  lakiin  waxaa  aad  iyo  aad  loo  dhaliilay  qaabka  lagu  soo  xulay  dadkan  iyo  qabiilada  ay  ka  soo  jedan  waana  sidan.

Warqada  aan  helnay  waxaa  ku  qoran  37-qof,  27-qof  oo  ka  mid  ah  waxay  u  dhasheen  Qabiilka  Majerten,  10-qof  ayaa  isku  qas  ah,  warar  aan  la  hubin  ayaa  sheegaya  in  ay  dadka  qaar  ee  ku  qoran  warqadan  in  ay  ka  dacwodeen  markii  ay  arkeen  ama  maqleen  qaabka  loo  xulay  dadkaas. 

War  iyo  dhamaan  waxaa  iswaydiin  mudan  xalada  masjidka  ma  xoog  iyo  sharci  ayey  ku  dhamaan  doontaa  mase  Xeer  iyo  Xaal  mastuur  Dhaqan.

  NUURKA:GORGOR NEWS  LONDON

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: