2 NIN AYAA KU DHIMATAY SADEXNA WAA DHAAWAC DAGAAL SAAKA KA DHACAY KOOFURTA GAALKACYO:GORGOR NEWS

Labo nin ayaa ku geeriyootay sadexna waa dhaawac iska hor imaad saaka ka dhacay koofurta magaalada gaalkacyo.

Iska hor imaadkan waxaa sababay garoon lagu cayaaro kubadda cagta ayaa waxaa doonayay inay guryo ka dhistaan niman deegaanka ka tirsan,arintaasna waxaa ka hor yimid dhalinyarada xiisaysa kubadda cagta,waxaa halkaas ka biloowday muran iyo is qabqabsi iyo in laysku furo rasaas.

Ciidamada Booliska ee koofurta gaalkacyo ayaa arintaas soo dhexgalay waxayna isku fikrad noqdeen dhalinyaradii diidanayd in garoonkaas laga dhiso guryo,ciidamadii waxay amar ku dhiibeen in aan halkaas waxba laga dhisi karin taasina waxay sababtay in labo nin lagu dilay sadexna dhawac tahay oo la dhigay isbitaalka koofurta gaalkacyo.

duqayda iyo wax garadka maamulka koofurta gaalkacyo ayaa soo dhexgalay xaalada cakiran ayaga ayaana la wareegay oo wixii go-aan ah ka gaari doona haddii alle idmo.

X/Guuleed: GORGOR NEWS: GAALKACYO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: