Dhowr qof oo soomaali ah ayaa ka mid noqday dadkii ayla duntay buundadii ku tiil magaalada minneapolis

070802_collapse_hmed_12ah21.jpg

Buundadii dhawaan duntay ee ku tiil magaalada minneapolis ee ku dul dhacday wabiga weyn ee mississipi dadkii la raadinayay ee wabiga ku dhacay ayaa waxaa ka mid noqday soomaali badan.

Guud ahaan dhimashada ayaa la sheegayaa inay marayso toban qof oo ah inta ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in kastoo la filayo inay intaas ka badan tahay waxaana la sheegay ilaa 50 gaari inay wabiga ku daateen.

Mar aanu la xariirnay magaalada minneapolis ayaa waxaa naloo sheegay soonaha ayku taal buundada duntay inay u badan tahay soomaalidu oo aad ay u dagto xaafadaas.

Hadaba dadka ilaa iyo hadda la la yahay ee aan guryahoodii ku soo noqon waxaa la magacaabay gabar magaceeda lagu sheegay sacdiya sahal oo la yiri waxay lahayd uur  waxaana la socday gabar yar oo ay ayadu dhashay.

Warar kale oo aan ku helnay khadka taleefanka ayaa ayaguna sheegaya inuu jiro nin soomaali ah oo asagana  la la yahay kadib markii xaaskiisu ayla xariirtay booliska una sheegatay in ninkeedii uusan soo noqon,nin kaasoo la sheegay inuu ka soo jeedo GOBOLKA MUDUG.

NUURKA: GORGOR NEWS: LONDON:UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: