KOOFUR AFRIKA:Nin Soomaali ah oo isdifaacayay oo Xabsiga la dhigay!!!

Kimberley (Sapa) – Booliska Gobolka Northern Cape, Koonfur Afrika, ayaa shaaca ka qaaday shalay, inay xabsiga u taxaabeen 10 dhalinyaro ah, kuwaas oo laga qabtay xaafadda ay madowgu degaan ee Galeshewe, ka dib markii lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka laba qof oo Soomaali ah.

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka Koonfur Afrika (SAPA), Afhayeen u hadlay booliska Tony Modise, ayaa sheegay in dadka dilkaa loo xidh-xidhay ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 22, isla markaana ay ku eedaysan yihiin weeraro ay ku qaadeen dukaan ay Soomaalidu leedahay oo ku yaalay Magaalo-madowda Phutanang, toddobaadkii la soo dhaafay Jimcihii, isla markaana ay halkaa ku dileen laba nin oo Soomaali ah. “Waxa lagu eedaynayaa 10-kan qof inay ka qaybqaateen dagaal ay Soomaalida iska horyimaadeen, kaas oo sababay dhimashada Daniel George iyo Ciise Ibraahim Cabdi,” ayuu yidhi afhayeenka booliska u hadlay Mr Modise. Waxa uu intaa ku daray in nin Soomaali ah oo ka badbaaday weerarkaas isagana xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu isku deyay inuu dil galo. Waxa lagu eedeeyay inuu toogtay mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday, kaas oo xabaddii uu ku riday ay gacanta kaga dhacday.

Warku wuxuu intaa ku daray in dhamaan dadka la xidhay maalin ama laba maalmood gudahood lagu horgeynayo Maxkamadda Magaalada Kimberley (caasimadda Gobolka Northern Cape), sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska magaaladdaas u hadlay.

GORGOR NEWS   LONDON

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: