xildhibaan Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo isku Sharaxay inuu noqdo Raiisul Wasaare:Good News:

qanyare4.jpg

Xildhibaan Mudane Maxamed Qanyare Afrax ayaa la sheegay inuu qorshaynayo sidii uu ku hanan lahaa kursiga Raiisul wasaarenimada uuna ugala wareegi lahaa Jaallle Geedi.

Wariyaha GorGorNews ee magalada baydhabo Jaalle EENOW ayaa sheegay in Qanyare uu halkaas ka wado olole xoogan oo ah sidii uu taageero buuxda uga heli lahaa Baarlamaanka si uu ugu guulaysto kursiga raiisul wasaarenimada maadaama jaalle Geedi waqtigiisu ku egyahay bishaan aan ku jirno .

Maxamed qanyare oo ah nin ruug cadaa ah aadna looga jeclaa soomaaliya koofur iyo waqooyi intaba,ayaa sumcadiisu hoos u dhacday markii uuku qaldamay ururkii la magac baxay ladagaalanka argagixisada oo uuku biiray inkastoo ilaa iyo hadda shacabku ay jecel yihiin.

Maxamed Qanyare wuxuu ka qayb galay kursigii loo tartamay madaxweyne nimada wuxuuna galay lambarka saddexaad isagoo aan dhiibin wax laa-luush ah halkaasna waxaad ka daremi kartaa inuu yahay halyeey laga jecel yahay wadankiisa,shakina kuma jiro inuu ku guulaysan doono kursiga Raiisul-wasaarenimada Haddii Alle idmo.

Xildhibaano badan ayaa u balan qaaday inay ugu shubi doonaan doorashada uuna guulaysan doono,haddii ay taasi dhacdana soomaaliya waxaa u beryi doona waa cusub waxayna ka bixi doontaa mugdiga ay maanta ku jirto haddii alle idmo.

NUURKA: GORGOR NEWS: LONDON UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: