Dagaalo ka dhacay Baladweyne & Laanta Buur

                             d4.jpgd1.jpg

Dagaalo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada baladweyne iyo laanta buur ku waasoo leh wajiyo kala duwan.

Hadii aan ku horeyno dagaalka laanta buur,warar kala duwan ayaa kasoo yeeray dagaalkuna wuxuu biloowday xalay fiidkii kadib markii uu muran dhexmaray labo askari oo rasaas is dhaafsaday,labadii askari midkood ayaa la sheegayaa markii dhaawaciisii la geeyay afgooye inuu geeriyaaday ciidamadii meesha joogayna ay ukala qaybsameen labo kooxood oo laysku adeegsaday hubka culus dagaalkaasoo socday ilaa duhurkii maanta.

Wariyaha GorGor News ee magaalada muqdisho Jaalle Cabdi-Idaajaa ayaa sheegaya inay jiraan hadalo laysla dhexmarayo oo ah in muqdisho laga diyaarinayo ciidamo kala dhexgala labada kooxood ee dagaalamaya.

Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in koox burcad ah ay isbaaro dhigteen wadada si ay baabuurta uga qaadaan lacago baad ah kadibna waxaa halkaas tagay ciidamo ku sugnaa laanta buur taasina waxay keentay in labadii ciidan isku dhacaan.

Daalka BALADWEYNE:dagaalka baladweyne ayaa la sheegayaa inuu ka biloowday nin darawal ah oo wadi jiray booyad biyaha u gaysa ciidamada itoobiya,ninkaas darawalka ah ayaa waxaa lagu weeraray toorey arintaasina waxay dhalisay in ciidamada itoobiya ay madaafiic ku weeranaan xaafado ka tirsan magaalada baladweyne.

Ilaa iyo hada dhimashada ayaa la sheegay inay marayso 7 qof,warku waxaa kaloo intaas ku darayaa in 4 qof  oo shacab ah gacanta laga galiyay ciidamada itoobiya oo aan la garanayn meel ayla aadeen.

Xaafadaha qaar ayaa la sheegayaa in si xun loo duqeeyay oo aan naxariis lahayn ilaa iyo hadana masugna dhibaatada guud inta ayla egtahay.

GORGOR NEWS  LONDON UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: