Masaajid la weeraray maadaama uu leeyahay calaamada islaamka!!

starmoon.gif..

Ciidamada Dowlada iyo kuwa sirdoonka ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday masaajid ku yaal suuqa bakaaraha xilli latukanayay salaadii subax waxayna halkaas ka aftuubteen culumo badan oo gaaraysa dhowr iyo toban nin.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta loo weeraray masaajidka ay tahay magaca loo bixiyay masaajidka oo ah bil iyo xidig ama bil iyi xidigle oo macnaheedu yahay calaamada islaamka taasoo ayka dacwoodeen ciidamada itoobiya oo sheegay in magacaasu yahay cunsuri ama mid kala soocaya dadka markastoo ay ag maraana ciidamada itoobiya uu yahay mid caro ku beera.

Masaajidku wuxuu dhisnaa ciidamada itoobiya oo aan wadanka imaan magaciisana wax badeli karaa ma jiraan,sidaasna waxaa yiri culumadii saaka laga ka xaystay masaajidka bil iyo xidig.

Warar kale ayaa sheegaya in masaajidka laga qaatay dhowr kitaab oo kala duwan ayna ka mid ahaayeen kutubo quraan,taasoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn ujeedada loo qaatay kutubada.

GORGOR NEWS :LONDON:UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: