Gumaad/xasuuq ka dhacay tuulada walwaal oo ay gaysteen gumaysiga tigreega

ogaden1.jpgethiop-troops1.jpg

Wararka naga soo gaaraya dhulka soomaalidu degto ee loo yaqaan kilinka shanaad,ayaa sheegaya in xasuuq weyn uuka dhacay meelo badan oo ka tirsan dhulka ogaadeenya gaar ahaan tuulada walwaal  oo 12KM u jirta magaalada wardheer.

Sida lagu yaqaan ciidamda tigreega mar walba oo nabar xun ay u gaystaan jabhadda xoreynta ogaadeenya (onlf) ogaden national liberation front,waxay ku cartaan shacabka aan waxba galabsan waxayna u gaystaan jir dil iyo kufsi xad dhaaf ah.

Dagaal dhawaan dhex maray ciidamada onlf iyo tigreega maato layska ah, dagaal kaasoo ka dhacay walwaal ayaa gumaysiga tigreega looga dilay 58 askari lagana gubay afar gaari oo tikniko ah.

Gumaysiga tigreega ayaa weerar ku qaaday tuulooyinka kala ah caado,jinoole,wacdi,labiga iyo xodayo waxayna ku laayeen dad fara badan oo qaarkood  si xun loo dilay.

Tuulada caado waxaa lagu dilay 8qof  waxaana ka mid ahaa oday 75 sano jira,tuulada walwaal waxaa lagu dilay 11 qof waxayna kala ahaayeen dumar ,rag dhalin yaro  ah iyo odayaal gaboobay.

Dadka la xasuuqay qaar ayaa la arkay maydkooda in lagu dilay qoriga beynaadiisa qaarna waxaa laga soo laa-laadshey geedaha waxayna ku xirnaayeen xarig,waxaa kaloo intaasdheer in lagubay guryahoodii.

Gumaysiga Tigreega ayaa hor istaagay gaadiidkii u kala socon jiray gobolada ogaadeenya si loo cuna qabateeyo(Blockade) dhamaan kilinka shanaad.

Meelo badan ayaa markii la waayay wax gaadiid ah oo isku socda ayaa waxaa ka dhacay sicir barar,kiishkii sokorta ayaa wuxuu gaaray 800 00 bir meeshii markii hore uuka ahaa 240 bir(bir waa lacagta itoobiya).

Meelaha sicir bararka aad looga dareemay waxaa ka mid ah,iimay,garbo,shayqoosh,dhagax madow,barmiil,iyo dhamaan deegaanada ku teedsan dhinaca hawdka.

Muxumad Aadan:GORGORNEWS:LONDON:UK

GORGORNEWS@HOTMAIL.CO.UK

Comments are closed.

%d bloggers like this: