Archive for Luulyo, 2007

Bush and Brown Vow Co-operation

Us president George W Bush and uk prime Minister Gordon Brown have held their first formal talks,renewing pledges to fight what they called Terrorism and seek progress in Iraq.

Mr Brown said both Nations had duties and reponsibilities in Iraq and that he would seek military advice before announcing any changes in policy.

the pair met at Camp David,near Washington,amid widespread interest about whether they could work together.

The talks also focused on Afghanistan,Darfur,World Trade and climate change.

NUURKA: GORGOR NEWS: LONDON UK

Advertisements

U dhaaf Faallo

Dagaalo ka dhacay Baladweyne & Laanta Buur

                             d4.jpgd1.jpg

Dagaalo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada baladweyne iyo laanta buur ku waasoo leh wajiyo kala duwan.

Hadii aan ku horeyno dagaalka laanta buur,warar kala duwan ayaa kasoo yeeray dagaalkuna wuxuu biloowday xalay fiidkii kadib markii uu muran dhexmaray labo askari oo rasaas is dhaafsaday,labadii askari midkood ayaa la sheegayaa markii dhaawaciisii la geeyay afgooye inuu geeriyaaday ciidamadii meesha joogayna ay ukala qaybsameen labo kooxood oo laysku adeegsaday hubka culus dagaalkaasoo socday ilaa duhurkii maanta.

Wariyaha GorGor News ee magaalada muqdisho Jaalle Cabdi-Idaajaa ayaa sheegaya inay jiraan hadalo laysla dhexmarayo oo ah in muqdisho laga diyaarinayo ciidamo kala dhexgala labada kooxood ee dagaalamaya.

Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in koox burcad ah ay isbaaro dhigteen wadada si ay baabuurta uga qaadaan lacago baad ah kadibna waxaa halkaas tagay ciidamo ku sugnaa laanta buur taasina waxay keentay in labadii ciidan isku dhacaan.

Daalka BALADWEYNE:dagaalka baladweyne ayaa la sheegayaa inuu ka biloowday nin darawal ah oo wadi jiray booyad biyaha u gaysa ciidamada itoobiya,ninkaas darawalka ah ayaa waxaa lagu weeraray toorey arintaasina waxay dhalisay in ciidamada itoobiya ay madaafiic ku weeranaan xaafado ka tirsan magaalada baladweyne.

Ilaa iyo hada dhimashada ayaa la sheegay inay marayso 7 qof,warku waxaa kaloo intaas ku darayaa in 4 qof  oo shacab ah gacanta laga galiyay ciidamada itoobiya oo aan la garanayn meel ayla aadeen.

Xaafadaha qaar ayaa la sheegayaa in si xun loo duqeeyay oo aan naxariis lahayn ilaa iyo hadana masugna dhibaatada guud inta ayla egtahay.

GORGOR NEWS  LONDON UK

U dhaaf Faallo

Masaajid la weeraray maadaama uu leeyahay calaamada islaamka!!

starmoon.gif..

Ciidamada Dowlada iyo kuwa sirdoonka ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday masaajid ku yaal suuqa bakaaraha xilli latukanayay salaadii subax waxayna halkaas ka aftuubteen culumo badan oo gaaraysa dhowr iyo toban nin.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta loo weeraray masaajidka ay tahay magaca loo bixiyay masaajidka oo ah bil iyo xidig ama bil iyi xidigle oo macnaheedu yahay calaamada islaamka taasoo ayka dacwoodeen ciidamada itoobiya oo sheegay in magacaasu yahay cunsuri ama mid kala soocaya dadka markastoo ay ag maraana ciidamada itoobiya uu yahay mid caro ku beera.

Masaajidku wuxuu dhisnaa ciidamada itoobiya oo aan wadanka imaan magaciisana wax badeli karaa ma jiraan,sidaasna waxaa yiri culumadii saaka laga ka xaystay masaajidka bil iyo xidig.

Warar kale ayaa sheegaya in masaajidka laga qaatay dhowr kitaab oo kala duwan ayna ka mid ahaayeen kutubo quraan,taasoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn ujeedada loo qaatay kutubada.

GORGOR NEWS :LONDON:UK

U dhaaf Faallo

Xasuuso Xoogii Dalka Soomaaliya & Xornimadii Muqdisho:Fiirso Video Click youtube

<src=”http://www.youtube.com/v/zw1JbHHHXJg” type=”application/x-shockwave-flash” wmode=”transparent” width=”425″ height=”350″></embed></object>

N.B. Dadka qaar haddii ay niyad xumaadaan hanaga raali noqdaan fadlan, waayo waxaa jira dad badan oo wadaniyiin ah oo hadii ay soo xasuustaan xornimadii soomaaliya iyo  guushii 1977  niyadu si kale noqonayso.

GORGORNEWS@HOTMAIL.CO.UK

U dhaaf Faallo

banaan bax ka dhacay garoowe:fiirso video click meesha ah youtube.com

src=”http://www.youtube.com/v/P92j-BWn-5M” type=”application/x-shockwave-flash” wmode=”transparent” width=”425″ height=”350″></embed></object>

si aad u fiirsato banaanbaxa waxaad click siisaa ama kutaabo mowska meesha ah http://www.youtube.com

U dhaaf Faallo

Jawaabtii halxiraalaha iyo so-aalaha cusub

f11.jpgf41.jpgf4.jpgf3.jpgf2.jpgf1.jpg

Jawaab: so-aashii ahayd sheeg qofkii u horeeyay ee rumeeyay nebigeena suuban waxay ahayd khadiija bint khuweylad oo ahayd xaaskii nebiga scw.

2-so-aashii ahayd sheeg qofkii u horeeyay ee nebiga ku salaama,salaanta islaamka ee ah assalaamu calayka wuxuu ahaa Abu dharr Al-Ghifari oo markii uu islaamay nebigu u bixiyay Cabdullaahi.

3-so-aashii ahayd cali ibn abu dhaalib imisa jir ayuu ahaa markii uu islaamay,jawaabtu waa= wuxuu ahaa 10 jir(10 years old)

4-so-aashii ahayd sheeg qofkii saddexaad ee muslim noqda,jawaabtu waa= wuxuu ahaa zaid ibn xaarith wuxuuna ahaa nin nebigu soo korsaday oola xoreeyay.

waxaa sifiican uga soo jawaabay magacyada kala ah:

1-C/risaaq xaaji————————muqdisho—-somalia

2-Jeylaani cadow———————-yemen——–sanca

3-haybe Cabdillaahi——————-somaliland—-hargaysa

4-Axmed muumin——————–Liverpool——UK

5-Fowzia Ibraahim——————Riyaad——saudi arabia

6-Mustafe  Colaad——————–London—–UK

Halxiraalaha Usbuuca: 1-Dagaalkii badar muslimiintu waxay ahaayeen  313 qof waxaad sheegtaa imisa malaa-ig ayaa ka qayb qaatay dagaalkii badar?

2-Waxaad sheegtaa nebigii u horeeyay ee qalin wax ku qora ama isticmaalay qalinka wax lagu qoro?

3-Magaalda barakaysan ee la yiraahdo Madiina(madinat Alnabi) waayadii hore waxaa loo yiqiin magac kale ooka biloowda xarfaha Ya—– hadaba sheeg magacaas oo dhamaystir shanta xaraf ee meesha ka maqan?

Jawaabta kusoo dir GORGORNEWS@HOTMAIL.CO.UK

N.B. DHAMAAN INTII KASOO JAWAABTAY ,HALXIRAALAHA IYO INTII ISKU DAYDAY AAD AYAAD U MAHAD SAN TIHIIN

U dhaaf Faallo

Gumaad/xasuuq ka dhacay tuulada walwaal oo ay gaysteen gumaysiga tigreega

ogaden1.jpgethiop-troops1.jpg

Wararka naga soo gaaraya dhulka soomaalidu degto ee loo yaqaan kilinka shanaad,ayaa sheegaya in xasuuq weyn uuka dhacay meelo badan oo ka tirsan dhulka ogaadeenya gaar ahaan tuulada walwaal  oo 12KM u jirta magaalada wardheer.

Sida lagu yaqaan ciidamda tigreega mar walba oo nabar xun ay u gaystaan jabhadda xoreynta ogaadeenya (onlf) ogaden national liberation front,waxay ku cartaan shacabka aan waxba galabsan waxayna u gaystaan jir dil iyo kufsi xad dhaaf ah.

Dagaal dhawaan dhex maray ciidamada onlf iyo tigreega maato layska ah, dagaal kaasoo ka dhacay walwaal ayaa gumaysiga tigreega looga dilay 58 askari lagana gubay afar gaari oo tikniko ah.

Gumaysiga tigreega ayaa weerar ku qaaday tuulooyinka kala ah caado,jinoole,wacdi,labiga iyo xodayo waxayna ku laayeen dad fara badan oo qaarkood  si xun loo dilay.

Tuulada caado waxaa lagu dilay 8qof  waxaana ka mid ahaa oday 75 sano jira,tuulada walwaal waxaa lagu dilay 11 qof waxayna kala ahaayeen dumar ,rag dhalin yaro  ah iyo odayaal gaboobay.

Dadka la xasuuqay qaar ayaa la arkay maydkooda in lagu dilay qoriga beynaadiisa qaarna waxaa laga soo laa-laadshey geedaha waxayna ku xirnaayeen xarig,waxaa kaloo intaasdheer in lagubay guryahoodii.

Gumaysiga Tigreega ayaa hor istaagay gaadiidkii u kala socon jiray gobolada ogaadeenya si loo cuna qabateeyo(Blockade) dhamaan kilinka shanaad.

Meelo badan ayaa markii la waayay wax gaadiid ah oo isku socda ayaa waxaa ka dhacay sicir barar,kiishkii sokorta ayaa wuxuu gaaray 800 00 bir meeshii markii hore uuka ahaa 240 bir(bir waa lacagta itoobiya).

Meelaha sicir bararka aad looga dareemay waxaa ka mid ah,iimay,garbo,shayqoosh,dhagax madow,barmiil,iyo dhamaan deegaanada ku teedsan dhinaca hawdka.

Muxumad Aadan:GORGORNEWS:LONDON:UK

GORGORNEWS@HOTMAIL.CO.UK

Comments off

Older Posts »